Jaamacadda UNIKOM oo kamid ah Jaamacaddaha ugu tayo sareeya Bariga fog ee Qaaradda Asia ayaa fursad muhiim ah oo dhinaca waxbarashada usoo bandhigtay ardeyda Soomaaliyeed.
Fursadan oo ah mid cusub ayaa ardeyda Soomaalida la siinaya deeq waxbarasho (Scholarship) oo u dhiganta 60% oo ay wax uga baran karaan Jaamacadda oo xarunteeda tahay magaalada Bandung ee dalka INDONESIA.
Arrintaan ayaa ka dambeysay markii ay heshiis wada galeen Urur la yiraahdo Somali Education Consultant (SEC) iyo maamulka Jaamacadda oo arrintaan iska kaashanaya.
‘’ Fursadaan waa mid muhiim ah, faa’iido weyna u ah ardeyda Soomaaliyeed oo uga timi Jaamacad aad u tayo sareysa isla markaana kaalin sare uga jirta Jaamacaddaha ugu fiican Qaaradda Asia,’’ ayuu yiri Aadan Cabdi Cadow oo kamid ah xubnaha Jaamacadda kala shaqeynaya sidii ardeyda Soomaaliyeed uga faa’ideysan lahaayeen fursadan.
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Aadan Cabdi Cadow (Aadan yo)
Phone: +6285650882629
Email: aadan21@gmail.com
Ibraahim Cabdiraxmaan (ibraahin sunda)
Phone: +6285692679392

Jaamacadda UNIKOM oo ah mid si gaar ah loo leeyahay waxaa dhigta ardey ajaaniib ah oo kala imid in ka badan 40-wadamood, waxaana ay xarumo ku leedahay Qaaraddaha Europe, Asia iyo Africa.
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Aadan Cabdi Cadow (Aadan yo)
Phone: +6285650882629
Email: aadan21@gmail.com
Ibraahim Cabdiraxmaan (ibraahin sunda)
Phone: +6285692679392
Title: Jaamacadda UNIKOM ee indonesia oo fursad waxbarasho usoo bandhigtey Ardeyda Soomaaliyeed
Posted by:
Published :2015-08-15T20:30:00+07:00
Jaamacadda UNIKOM ee indonesia oo fursad waxbarasho usoo bandhigtey Ardeyda Soomaaliyeed
Posted by , Published at 20:30 and have 0 comments
Source:
http://ift.tt/1NwJpen