Saturday, August 15, 2015

Maxbuus la diiday in laga daayo Guantanamo | iftineducation.com ...

iftineducation.com - Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa ka codsatay maxkamad ku taalla Washington in aanay sii deyn maxbuus ku xiran xabsiga Guantanamo Bay, kasoo la sheegay inuu caafimaad ahaan liito.
Qareenka Tariq Ba Odah, oo ah maxbuus u dhashay dalka Yemen, ayaa sheegay miisaanka jirkiisu gaaray 34 kilo garam, uuna geeri qarka u saaran yahay.
Tariq oo sanado waday cunno joojin, ayaa waxaa xoog ku quudiya ilaalada xabsigaasi.
Saraakiisha milateriga iyo mukhaabaraadka Mareykanka ayaa ogolaaday in maxbuuska la sii daayo 5 sano ka hor.
Weriyayaasha ayaa kusoo warramaya in waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon, ay sanadihii lasoo dhaafay diidaneyd in la sii daayo maxaabiista ku xiran Guantanamo Bay.




thumbnail Title: Maxbuus la diiday in laga daayo Guantanamo
Posted by:Aden Abdi
Published :2015-08-15T22:51:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maxbuus la diiday in laga daayo Guantanamo

share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg

Posted by Aden Abdi, Published at 22:51 and have 0 comments


Source:

http://ift.tt/1TGcDP6



The Late News from http://ift.tt/1c7kycx