Saturday, August 15, 2015

Gariiga: "Waa in la cafiyo lacagta qaar" | iftineducation.com ...

iftineducation.com - Hayadda lacagta adduunka ee IMF ayaa ugu baaqday wasiirada arrimaha dibadda ee Yurub, in Gariiga laga cafiyo ammaah kadib markiii lagu heshiiyay qorshe cusub oo lagu badbaadinayo dhaqaalaha Gariiga.
Gariiga ayaa la siin doonaa £61 bilyan oo ammaah ah saddexda sano ee soo socota, iyadoo laga rabo in ay kordhiso canshuurta ayna yarayso qarashka dowladda.
Madaxa IMF Christine Lagarde ayaa soo dhawaysay heshiiska, laakiin waxay ka digtay lacagta Gariiga lagu leeyahay inaysan ahayn mid sii socon karta.
Waxay sheegtay in waddanka uu u baahan yahay, in laga cafiyo lacagta qaar mid ka badan inta la rabo in la cafiyo ilaa hada.
Wariyaha BBC Adam Fleming, ee jooga Brussells ayaa sheegay in wasiirada maaliyada ee dalalka Yurub ay ka fiirsan doonaan inay cafiyaan ammaahda qaar waqtiga qaboobaha ee soo socda.


thumbnail Title: Gariiga: "Waa in la cafiyo lacagta qaar"
Posted by:Aden Abdi
Published :2015-08-15T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Gariiga: "Waa in la cafiyo lacagta qaar"

share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg

Posted by Aden Abdi, Published at 23:00 and have 0 comments


Source:

http://ift.tt/1TG4swO



The Late News from http://ift.tt/1c7kycx